4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2017
Taliyaha cusub ee hay’adda Nabad sugida oo maanta xilka la wareegay

 
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta lagu qabtay magaalladda Muqdishu.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb-galay  Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  iyo masuuliyiin kale.

General Cabdullahi Gaafow Maxamuud, oo ah Taliyihi hore ee Ha’yadda Sirdoonka Soomaaliya, oo musaabada hadal ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka hay’adda mudadii uu ka ahaa taliyaha, waxaana uu Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hay’adda NISA uu ku wareejiyay Taliyaha cusub.

Mudane C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa ka mahadceliyay xilwareejinta, waxaana uu ballan qaaday sii wadida shaqadda iyo kor uqaadida howsha hay’adda Nabad sugida.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo labaduba munaasabada xil wareejinta hadalo kooban ka jeediyey ayaa taliyaha cusub ee  Sirdoonka Soomaalia u sheegey iney hortaalo shaqo culus loogana fadhiyo in uu kasoo dhalaalo.

6-dii bishaan ayaa dowladda Soomaaliya, waxaa ay isbedel  ku sameysay nidaamka hay’addaha amniga dowladda, iyadoona Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe loo magacaabay taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaalyeed ee NISA.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa horay u ahaa Taliyiha Hay’ada Nabad Sugida, waxaana uu sidoo kale ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Ingiriiska.

Dhinaca kale Mudane Sanbaloolshe, waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay magaalladda Jowhar ee xaruunta maamulka Hirshabeelle.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia