Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha cusub ee
Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta si rasmi ah xafiiska ugala
wareegay ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Maxamed Cumar Carte oo mudo labo sano
ah ku soo shaqeeyay xafiiska.
Maxamed Cumar Carte u mahad celiyey dhammaan madaxdii dawladdii
hore iyo Shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana uu sidoo kale
tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen
howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.
Ra’iisul
wasaare ku xigeenkii hore ayaa intaa kadib ku wareejiyay ra’iisal wasaare ku
xigeenka cusub xilka isagoo u rajeeyay in uu ku guulaysan doono howlaha
horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha
Soomaaliya ka jira.
Ra’iisul wasaare
ku xigeenka cusub Mahdi Maxamed Guuleed
ayaa xil wareejinta kadib u mahad celiyey ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore, isaga oo kula dardaarmay shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan hay’addaha dawladda in
gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.
” Anigoo
kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la
soo qabtay wax ka fiican uu ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo
taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna dawladeena iyo
shacabka Soomaaliyeed” ra’iisal wasaare ku-xigeenka cusub”
Xubnaha gollaha wasiirada
xukuumada cusub ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba ku howlanaa la wareegista
xafiiska iyo wasaarada loo idmaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]