4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2017
Xildhibaan Cali Guure Maxamed: Aniga laygama tarxiilin magaalada Kismaayo
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Xildhibaan Cali Guure Max'ed oo kamid ah mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida, kuwaa oo sheegay in Xildhibaan Cali Guure Max'ed laga tarxiilay magaalada Kismaayo.

Xildhibaan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin, ayna la yaab ku noqotay markii uu maqlay.

Waxa uu sidoo kale beeniyay in ay jiraan Motion ay wadaan isaga iyo xildhibaanno kale, oo xilka looga qaadayo gudoonka baarlamanka, isagoo sheegay in arintaasi ay tahay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo Jubaland.

"Magaalada Kismaayo ayaan joogaa, wararka ay sheegayaan Idaacadda ee ay Motionka leeyihiin waxba kama jiraan, waxaan u sheegayaa warbaahinta wararka been abuurka ka sheegaya Jubaland waxaan leeyahay Ilaahay ka baqa," ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.

"Jubaland hadda uma baahna Motion, horumar bay rabtaa, maamul goboleedyada maamulka ugu fiican weeyey, waxay rabtaa taageero, waxay rabtaa maskax iyo maal in la geliyo," ayuu intaa ku daray.

Shirka jaraa'id ee xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah warbaahinta ay qoreen in Xildhibaan Cali Guure laga tarxiilay Kismaayo, iyagoo sheegay in xildhibaanku kamid yahay mudanayaal ka tirsan baarlamanka Jubaland oo wada Motion xilka looga qaadayo gudoomiyaha baarlamanka Jubaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.