4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2017
Danjire Keating : Soomaaliland wali caalamku wuxuu u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Soomaaliya Video

  

Sabti, April, 08, 2017 (HOL) – Danjiraha Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa oo dhawaan uu booqasho ku tagay ka hadlay aragtida uu ka qabo gooni isku taaga Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay danjire Keating in beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa wali u arkaan Soomaaliland in ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

“Annigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada Soomaaliland,beesha caalamka um aqoonsana dal madax banaan,waxayna u aqoonsanyihiin qayb ka mid ah Soomaaliya”. ayuu yiri Michael Keating.

“Ma aha in ay waayi doonto deeqaha iyo adeegyada horumarka,laakin ilama aha cida shirka qabaneysa in ay marti-qaadayso Soomaaliland”. ayuu yiri Keating.

Ugu danbeyntii, Waa markii ugu horeysay oo wakiilka gaar ah ee QM Soomaaliya sheegayo in wali Soomaaliland caalamku u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah jahmuuriyada Soomaaliya, inkastoo dhinaca kale mas’uuliyiinta maamulkaas ku doodayaan in kol hore isaga go’een Soomaaliya inteeda kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]