4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2017
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ugu baaqay Trump in ay ka wada shaqeeyaan dagaalka Al Shabaab

 
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –"Howlgalka Military-gga Mareykanka waa in uu ka fogaadaa in dhibaato ay gaarto dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed, Waana mudnaanta koowaad”, sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Newsweek.

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay maareynta iyo xakameeynta khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara duqeymaha ciidanka Mareykanka ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya, 

Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa sidoo kale laga soo xigtay in Madaxweyne Donald Trump, bishii hore uu saxiixay hindise military-gga Mareykanka looga codsanaayo in ay duqeymahooda aysan khasaare ka soo gaarin dadka rayidka, marka ay beegsanayaan dagalyahanada Al Shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al Qaeda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxweyne Soomaaliya ka ahaa intii u dhexeysay 2012 ilaa horaantii sanadkan 2017, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga fogaado khasaaraha gaara rayidka marka diyaaradaha Maamulka Trump ay duqeynayaan Al Shabaab.

“Kani waa dagaal had iyo jeer waa in laga wada qeyb-galaa, dhinaca kale mudnaanta koowaad ayaa ah ka fogaanshaha dhibaatada rayidka gaari karta inta dagaalka lagu jiro”, ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay, intii uu xafiiska joogay in ay aad u yareeyd khasaaraha gaara dadka rayidka ah marka ay diyaaradaha Mareykanka ay fulinayaan duqeymaha, xiligaasina waxaa ay aheyd buu yiri intii u dhexeysay sanadadii 2015 ilaa 2016, xiligaas oo ay ciidanka Mareykanka ay ka qeyb-qaadanayeen howlgal ay wadeeyn ciidanka dowladda Soomaaliya ee la yiraahdo SNA.

Sidoo kale Mudane Xasan ayaa labada Madaxweyne ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Donald Trump ugu baaqay in ay wada xiriiraan, waxaana uu hadalkiisa uu sii raaciyay in Mareykanka uusan fulin duqeyn uusan kala tashan dowladda Soomaaliya.

Duqeymaha diyaaradaha Dowladda Mareykanka, ay ka geystaan Soomaaliya ayaa  inta badan khasaaro ay ka soo gaaraan dadka rayidka.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia