4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2017
Booliiska Sweden oo qabtay shaqsigii ka danbeeyay weerarkii gaariga dadka lagu jiirsiiyay

 

Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Ciidamada booliiska dalka  Sweden ayaa soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn bartamaha magaalada Stockholm ayna ku dhinteen afar ruux  tiro kalana ku dhaawacmeen.

Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu markii hore ka baxsaday ciidamada, hasse ahatee markii danbe ayeey qabteen isaga oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah magaalada.

Wargeys ka soo baxa dalka Sweden  Aftonbladet ayaa daabacay in qofka loo soo qabtay weerarkan uu dhaawac fudud soo gaaray waxaana lagu qiyaasay da’adiisa 39 sano jir.

Inkastoo qofkan aan la ogeyn in ay soo dirsadeen kooxda ISIS hadana dhinaca kale waxaa la sheegay in uu ahaa nin dhalinyarro ah oo bogagga Internet ka siweyn ugu taageera kooxda.

Gaariga xamuulka ayaa marka laga soo tago dadka dariiqa marayay ee la jiirsiiyay sidoo kale waxaa lagu dhuftay goob ganacsi oo ku tiilay isla wadada uu shilkan ama falka argagixisada lagu sheegay uu ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]