4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2017
Qaraxyo lagu qabtay magaalada Kismaayo

 

Sabti, April, 08, 2017 (HOL) – Ciidamada nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo waxaa ay ku soo qabqabteen walxaha qarxa iyo miinooyin la doonayay in loo adeegsado falal qaraxyo ah.

Axmed Maxamed Carab oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee nabad-sugida Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ay sameeyeen ku soo qab qabteen waxlaha qarxa oo sida uu hadalka u dhigay la damacsanaa in lagu fuliyo falal argagixiso.

‘’Ciidamada waxaa ay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa, shaqsiyaadkii ku lugta lahaa iyo gurigii lagu farsameeynayay intaba, ayuu yiri Axmed Carab oo ka mid ah saraakiisha amniga Jubbaland.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in dhawaan warbaahinta u soo bandhigi doonaan shaqsiyaadkii falka ku lugta lahaa gacanta ciidamada ku jira.

Magaalada Kismaayo ayaa marar badan oo hore waxaa ka dhacay falal qaraxyo loo adeegsaday, waxaana inta badan qaraxyada ka dhaca magaalada  lagu bartilmaameedsadaa ciidamada maamulka, hasse ahaatee wax yeelada ugu badan ayaa gaarta dadka shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]