4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland oo ka warbixiyey afartii bilood ee sanadkan inta wariye la xiray

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) –Xarunta Xuquuqda Insaanka madaxa banaan ee Human Rights Center (HRC) ayaa soo bandhigay warbixintooddii afar biloodka sanadka 2017 ee tacadiyada lagula kaco warbaahinta iyo suxufiyiinta maxaaliga ee ka hawlgala degmooyinka iyo gobolada Somaliland.

Gudoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland garyaaqan Guuleed Axmed Jaamac oo ka hadlay warbixintoodda afarta bilood ee sanadka ayaa sheegay in mudadaasi la xidhay 11 wariye.

“Xarunta Xuquuqal Insaanku soo saartay warbixinteeda afar bilood lah ee ay ku eegto xaaladda saxaafadda Somaliland. Warbixintu waxaay koobsanaysaa xadhiga suxifiyiinta ee ay diiwaangelisay intii u dhaxaysay 10ki December 2016 ilaa 31ka March 2017.Afartii bilood ee u danbeeyey waxay diiwaangelisay Xarunta 11 suxufi oo la xidhay. Todoba ka mid ah waxa lagu xidhay Hargeysa, hal suxufi Saaxil, hal suxufi Sanaag, hal suxufi Sool, suxufi kalena waxa lagu xidhay Awdal.”ayaa lagu yidhi warbixintooda.

Waxaanay intaas ku dareen “Suxufiyiintaas mid qudha oo ah Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa lagu soo oogay dacwad. Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay dhegaysatay dacwadda Coldoon 4tii iyo 5tii April. Waxaay u mudeeysay 8 April inay ku dhawaaqdo xukunka.

Sidoo kale waxa Maxkamada Rafcaanka Gobolka Hargeysa ay ku dhawaaqday 25kii February 2017 xukun dacwad ciqaab ah oo ka dhan ahayd Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar oo ah madaxda wargeyska la xayiray ee Hubsad. Maxkamaddu waxay ayiday xukunkii Maxkamadda Gobolka ee cadeeyey inaanay wax dembi ah gelin suxufiyiintu. Weli se waxa xayiran wargeyska Hubsad oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u baahan yahay inuu dhamaystirto waxyaalo ay sheegtay maxkamadu inuu ka dhiman yahay.

Xaruntu waxaay ku talisay in la joojiyo xadhiga iyo dacwadaynta suxufiyinta, islamarkaana in la ogolaado in la diiwaangeliyo warbaahin cusub iyada oo aan la is hortaagayn in kuwa jira cid kale la wareegto. Waxaay ku talisay in la joojiyo xeerka ciqaabta ee loo adeegsanayo warbaahinta. Waxay kula talisay ururada bulshada rayidka ah inay gacan qabtaan oo taageeraan warbaahinta iyo suxufiyiinta Somaliland oo aan la dayicin. Xaruntu waxay ku baaqaysaa in xayiraadda laga qaado wargeysyada Haatuf, Hubsad iyo Codka Shacabka.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.