Jimco, April, 07, 2017 (HOL) – Warar
dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saddex ruux lagu dilay magaalada Stockholm
ee dalka Sweden, kaddib markii gaari xamuul ah lagu jiirsiiyay wadada lagu
magaaabo Drottninggatan
Ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan lofven ayaa sheegay in dalkiisa la weeraray
wax walbana ay tilmaamayaan in falka uu yahay mid argagaxiso.
Kaddib falka gaariga dadka lagu jiirsiiyay waxaa la maqlay dhawaqa rasaas,
waxaana soconaya baaritaano dheeraad ah oo dhacdadan ku saabsan.
Weerarada gaadiidka loo adeegsado ayaa waxaa sheegta ururka IS iyadoo
gaadiid hore loogu weeraray dad rayid ah wadamada Britain Jarmalka, Maraykanka, Faransiiska.
Ugu danbeyntii, gaariga weerarkan ka dambeeyay ayaa loo maleynayaa in uu
ahaa mid la soo afduubtay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]