4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Gaari dad lagu jiirsiiyay magaalada Stockholm dalka Sweden

 

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) – Wararka ka imaanaya dalka Sweden ayaa sheegaya in ugu yaraan ay saddex ruux geeriyoodeen kadib marki baabuur kuwa xamuulka ah lagu jiirsiiyey dad marayey wadada Drottninggatan ee magaalada Stockholm.

Warbaahinta Sweden ayaa ku warramay in ay jiraan tira dad ah oo weerarka ku dhaawacmay. Booliska ayaa xiray goobta waxaana la maqlayey rasaas.

Ilaa iyo hadda ma cada in weerarka xiriir la leeyahay argagixiso iyo in kale, hasse ahaatee waxaa jira baaritaan ay wadaan laamaha amniga dalka oo lagu ogaanayo cida ka danbeysay weerarkan.

Dhacdooyinka ku saabsan gadiidka la jiirsiiyo dadka gaar ahaan meelaha mashuuqlka badan ayaa waayadii ugu danbeeyay ku soo badanayay dunida, waxaana ugu danbeeyay dhacadadii lagu weeraray Buundo aan ka fogeyn aqalka baarlamaanka dalka Britain oo gaari nooca xamuulka ah dad lagu jiirsiiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]