4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2017
Dad ku dhintay hoobiyayaal lagu garaacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) –Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux oo labo ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen hooyo iyo gabadheeda ayaa ku dhintay tiro hoobiyayaal ah oo maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah madaafiicdan loo adeegsaday qoriga hoobiyaha oo ku dhacay guri ku yaala degmada ayaa waxaa ku dhintay sida goob joogayaal ah u sheegeen warbaahinta gabar iyo hooyadeed.

Sidoo kale, guri aan ka fogeyn isla goobta ay ku dhinteen hooyada iyo gabadheeda ayaa waxaa ku geeriyootay gabar kale kadib markii uu madfac ku soo dhacay gurigooda, halka dhinaca kalana ay ku dhaawacmeen labo ruux.

Mas’uuliyada madaafiicdan ayaa waxaa sheegtay xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada midowga Africa AMISOM.

Madaafiicdan ayaa ku soo beegmay xili maalintii shalay madaxweynaha dowladda Soomaaliya is badal ku sameeyay laamaha amniga, islamarkaana ka ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]