Jimco, April, 07, 2017 (HOL) –Maamulka
Soomaaliland ayaa faragalin toos ah ku tilmaamay mooshinka ka dhanka ah
saldhiga military ee Imaaraadku qorsheynayo in uu ka sameysto Berbera oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xildhibaannada
baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah qorshaha Imaaraadka uu
saldhiga military uga sameysanayo Berbera, kaa oo muran xoog leh oo
siyaasadeed ka dhax abuuray dowladda federaalka iyo maamulka Soomaaliland.
Afhayeenka madaxtooyada
Soomaaliland Xusseen Cige ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay mooshinka
xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in marnaba
Soomaaliland aqbali doonin in dowladda Soomaaliya wax saameyn ay ku yeelato
hishiiska labada dhinac Soomaaliland iyo Imaaraadka ee la xiriira saldhiga
military ee Berbera.
‘’Go’aanka waxaan gaaray
baarlamaanka Soomaaliland oo ka aqoon badan kana waayo aragsan kan Soomaaliya oo xukuumada uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo u ansixiyay dhaqangalka hishiiskan,
sidaa daraadeed marnaba u dulqaadan meyno in la soo faragaliyo danaheena
siyaasadeed iyo go’aamada aynu gaarno’’ ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada
Soomaaliland.
Ugu danbeyntii, xildhibaanno ka tirsan
baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii ina dhaaftay soo gudbiyay mooshin ka dhan ah saldhiga military ee Imaaraadka , kaasi oo loo
qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]