4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo la kulmay Soomaalida ku nool magaalladda lewiston

 

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz, ayaa shalay o khamiis aheyd booqday magaalladda Lewiston ee dalka Mareykanka, isagoona halkaasi kula kulmay soomaali ganacsi ku leh magaalladda.

Safiirka ayaa kullan dadweyne ku qabtay magaallaadda waxaana uu u sheegay qaxootiga ku nool Lewiston in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay uu ku caawin in ay dalkooda ku noqdaan.

Waxaa kullankiisa uu kaga hadlay arrimaha safarada la joojiyay, Qaxootiga iyo xagjirnimadda.

QM waxaa ay ku qiyaastay dadka soomaalidda in kala bar ay u baahayihiin kaalmo, ayuu yiri safiirka.

Dhinaca kale, safiirka ayaa sheegay in shaqada ugu wanaagsan ee noloshiisa soo martay ay tahay in uu ka shaqeeyay dalka Soomaaliya, sidoo kale sababtii uu u booqday magaalladda ayuu ku sheegay in ay tahay in uu dhegeysto qaxootiga Soomaalidda.

Ambassador Stephen M. Schwartz, ayaa dhawaan booqday Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Portland, Oregon, and Columbus, Ohio.

Soomaalida hadda ku nool Lewiston, ayaa bilaabay in ay halkaasi tagaan sanadkii 2001.

M. Schwartz, ayaa ah safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka ay u soo diraan Soomaaliya, dhowr iyo labaatan sano kadib.

Ambassador Stephen M. Schwartz oo xubin ka ah Waaxda Adeegga Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa xilka Danjirenimo ee Somalia u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Marayknka, Barack Obama bishii June ee sannadkii hore.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia