4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Al-shabaab oo sii daayay qaar ka mid ah shaqaale caafimaad oo ay ku afduubeen gobolka Hiiraan

 

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) – Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in habeennimadii xalay sii daayeen qaar ka mid ah shaqaale caafimaad oo todobaadkan ay ka qaafasheen deegaan lagu magacaabo Caloolacad oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Shaqaalaha ay sii daayeen Al-shabaab ayaa waxaa ay gaarayaan afar qof, kuwaasi oo kala ah kalkaaliye caafimaad, laba arday iyo darawal, waxaana  la sheegay in wali ay gacanta ku hayaan dhakhatar xanaannada xoolaha ah oo ka tirsanaa shaqaallaha ay afduubeen.

Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya dhakhtarkii ay la scodeen shaqaalahaas caafimaad oo lagu magacaabo, Dr. Xasan Madoobe, gaarigiisa iyo qalabkii caafimaad ay ku shaqeyanayeen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta Al-Shabaab ay u reebteen dhaqtarkan oo ka tirsan ururka dhaqaatiirta xanaanada xoolaha goballada dhexe.

Ugu danbeyntii, dadka deegaanka ayaa wada dadaalo ay wada hadal kula yeelanayaan Al-Shabaab, kaasi oo ku aadan sidii ay u soo deyn dhakhtarka wali ku harsan gacanta Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]