4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugidda ee Gobolka Shabellaha Dhexe  ayaa  maanta sheegay in Sargaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab uu isku soo dhiibay ciidanka dowladda.

Sarkaalka isasoo dhiibay ayaa waxaa magiciisa lagu sheegay Maxamed Cali Yuusuf.

Ma jirto war ka madax banaan ciidanka oo xaqiijin kara sarkaalka ay sheegeen in uu isasoo dhiibay.

Dhinaca kale, Gobolka shabeellaha hoose, waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia