4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Puntland iyo Shirkad-da DP World oo Heshiis ku kacaya 336 milyan ku kala saxiixday Dubai

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Maamulka Punland ayaa heshiis ku kacaya 336 milyan oo dollarka Maraykanka ah maanta la saxiixday  shirkadda DP world oo qaabilsan horumarinta dekedaha ,waxaana taa badalkeed ay shirkad-du la wareegi doonta maamulka deked-da muddo 30 sano ah.

Heshiiskan waxaa dhanka Puntland u saxiixay C/wali Maxamed Cali Gaas halka shirkadda P&O uu u saxiixay Suldaan Ahmed Bin Sulaymaan oo aha madaxa DP world,iyada oo  heshiiskan ay goob- ka ahaayeen madax ka tirsan Puntland oo ay ku jiraan wasiirka dekadaha iyo wasiirka maaliyadda.

Qodobada gundhiga u ah heshiiskan ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla markaana la dayactiro dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso.

Lacagta lagu maal-gelinayo mashruucan ayaa dhan $ 336 million Dollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono laba  million oo Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar, 

Sida heshiiska ku qoran dhismaha dekada ayaa lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta heshiiska la saxiixay, waxaana heshiiskan  uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah.

Ugu danbayn,  madaxa shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay inay heshiis la galaan dawladda Puntland, isla markaana balaadhinta deked-da ay wax badan ku soo kordhin doonto ganacsiga gobolka.  

Faysal M. Hassan
[email protected]