4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
20 Qof oo ku dhintay Qarax ka Dhacay Gobolka Sh/Hoose

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah ayaa miino kula qaraxday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhimatay qarax gaariga caasiga ah.

Gaariga ayaa ka soo baxay magaalladda Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ku soo socday magaalada Marka ee xarunta gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure ayaa sheegay in gaarigaasi ay saaraayeen 21 qof uu darawalkii oo kaliya ka badbaaday, intii kalena ay qaar dhinteen qaarna dhaawac yihiin.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay, deegaanadda Shabeellaha hoose, waxaaa qaraxyo lagula eeganayay ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia