4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Maareeyayaal cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa goor dhaw maareeyayaal cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, kaddib magacaabistii taliyayaasha ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Maareeyaha dekedda Muqdisho ayaa loo magacaabay Axmed Washington oo badalaya maariyihii hore ee dekedda C/llaahi Cali Nuur.

Sidoo kale maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa loo magacaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle [Yuusuf Jeelle] oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliye ku-xigeenka hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay C/fitaax Ibraahim Sheeweeye.

Guud ahaan marka la eego magacaabista cusub ayaa imaneysa xili isla maanta madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in dalka uu gallay xaalad dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]