4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Mudane Farmaajo ayaa  maanta markii ugu horeysay shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirad ee xukuumada, kaas oo looga hadlay arrimaha horyaalla xukuumadda cusub.

"Waxaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan dowladoodda", sidaasi waxaa yiri Farmaajo. 

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo 60 maalmood ay fursad u siin doonaan dagaalamayaasha Al Shabaab si ay isku soo dhiibaan, waxaana uu ballan qaaday in adeegyadda ay u baahanyihiin uu siin doono.

Farmaajo, ayaa sheegay in ay si siman ula dagaalami doonaan Musuq maasuqa, Al Shabaab iyo Faqriga.

Sidoo kale, waxaa uu u tacsiyeeyay dadkii shalay ku geeryooday qarax ka dhacay nawaaxiga wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Dhalinyaradda.

Xilalka la magacaabay:

1-       Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa loo magacaabay taliyaha hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaalyeed ee NISA.

2-       Mudane Thabit oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

3-      Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed waxaa  loo magacaabay Jen C/xakiin Daahir Saciid [Saacid]

4-      Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Jen Cabdullaahi Cali Caanooy


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia