4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Taliyayaashii ciidamada militariga iyo booliiska oo xilalka laga qaaday

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalka ka qaaday taliyayaashii ciidammada militariga iyo booliiska Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay xilalka taliyayaal cusub.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay taliyaha ciidamada militariga Jen, Maxamed Axmed Jimcaale oo badalaya taliyihii hore S/Gaas Maxamed Aadan Axmed.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Jen C/xakiin Daahir Saciid [Saacid] oo badalaya taliyihii hore Jen Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Jen Cabdullaahi Cali Caanooy oo badalaya Jen Cali Baashi oo xilkan horay u hayay.

Marka laga soo tago magacaabista taliska cusub eee militariga iyo booliiska  sidoo kale waxaa xilka laga qaaday taliyihii hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Jen C/llaahi Goofoow Max’uud, waxaana xilkan loo magacaabay Cabdullaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe.

Ugu danbeyntii, xil ka qaadistan iyo magacaabista taliyayaasha cusub ciidamada ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2011, waqtigii oo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed mar kaliya xilalka ka wada qaaday taliyayaasha ciidamada militariga, booliiska iyo nabad-sugida. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]