4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo loo magacaabay Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa loo magacaabay taliyaha hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaalyeed ee NISA.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa horay u ahaa Taliyiha Hay'ada Nabad Sugida, waxaana uu sidoo kale ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Ingiriiska.

Mudane Sanbaloolshe, ayaa waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay magaalladda Jowhar ee xaruunta maamulka Hirshabeelle.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia