4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Imisa musharax ayaa ku tartameysa doorashada Madaxweynaha Galmudug?

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ah Guddoomiyaha Gudigga doorashooyinka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in saddex musharax ay iska diiwaangeliyeen tartanka madaxtinimada maamulka.

Mudane Geelle, ayaa dhinaca kale sheegay in ay soo dhaamatay diiwaangelinta musharixiinta u taagan madaxtinimadda.

Musharixiinta is diiwaangelisay ayaa kala ah:

1-      Axmed Ducaale Xaaf

2-      Cabdullqaadir Shirwac

3-      Axmed Shariif 

10 bsihan April, ayaa waxaa dhici doonta doorashada madaxtinimadda maamulka Galmudug.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia