4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab oo ka socda Sh/Hoose

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana hadda la sheegayaa in la maqlaayo Jugta Madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ayaa u dhow Degaanka Janaale oo hadda ay Maamulaan Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Illaa hadda Lama Oga Khasaaraha uu Sababay Dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Afar Tuulo oo u dhow degmadda Janaale ee G/Shabeellaha Hoose kala wareegay Al Shabab
 
Korneyl Daahir Maxamed Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidamadda dowladda, ayaa sheegay in ay la wareegeen Afar Tuulo oo hoos tagta Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Tuulooyinka ay ciidamadda sheegeen in ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah, waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Col Daahir, ayaa xusay in ay wadaan howlgallo, isagoona dhinaca kale sheegay in ay jiraan weeraro kaga  imaanayo dhanka Al Shabaab.

Dhawaan ayaa Wasiirka gaashaandhiga sheegay in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka gobolka si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.

Deegaano ka mid ah koonfurta Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegaa in ay ku xooggan yihiin Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia