4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Afar tuulo kala wareegay Al Shabab

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Korneyl Daahir Maxamed Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidamadda dowladda, ayaa sheegay in ay la wareegeen Afar Tuulo oo hoos tagta Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Tuulooyinka ay ciidamadda sheegeen in ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah, waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Col Daahir, ayaa xusay in ay wadaan howlgallo, isagoona dhinaca kale sheegay in ay jiraan weeraro kaga  imaanayo dhanka Al Shabaab.

Dhawaan ayaa Wasiirka gaashaandhiga sheegay in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka gobolka si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.

Deegaano ka mid ah koonfurta Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegaa in ay ku xooggan yihiin Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia