4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Boqorka Jordan oo amaanay dadaalka madaxweyne Trump uu ka dhexwado Israel iyo Falastiin

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Boqorka dalka Jordan King Abdullahu II, ayaa amaanay dadaalka uu madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ku xalinaayo loolanka iyo dhibaatooyinka Bariga dhexe ka taagan, gaar ahaan khilaafka hadda u dhexeeya dowladda Falastiin iyo maamulka yar ee Israel.

King Abdullahi, ayaa haddalkasi ka sheegey banaanka hore ee Aqalka ee dalka Mareykanka, kadib kullan uu la qaatay Trump.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay aragtidaada iyo dagaalkaasi taariikhiga ah ee aad isugu soo dhoweyneyso labada dhinac ee Madandiqada bariga dhexe ku nool”, ayuu yiri Boqororka.

Waxaa jira masuuliyad wadareed nawada saran dhamaanteen, ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia