4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Meydka nin aan la aqoonsan oo laga helay xeebta Curubo ee Muqdishu

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Dad goob-joogayaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in saaka inta u dhexeeysa Xeebta Curubo iyo Sugunto Liido ee magaalladda Muqdishu lagu arkay meydka Nin aan weli la aqoonsan.

Ciidanka police-ka ayaa hadda waxaa ay ku wadaan baaritaano.

Meydka ayaa la sheegay in muuqaal ahaan uu aad isku bedelay.

Dadka qaar ayaa Hiiraan Online u sheegay, in meydka ay jirkiisa wax yeeleyeen noolaha badda ku jira.

25 bishii October ee sanadkii 2016, isla xeebta Curubo ayaa waxaa laga helay laba wiil oo wada dhashay, kuwaas oo da'dooda lagu qiyaasay 7 ilaa 9 jir.

Mas’uuliyiin Katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta gaaray waxay soo bandhigeen Carruurtaasi Meydkooda la helay.

Carruurta badda keligood aada si ay usoo dabaashaan ayaa laga digay Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha si ay badda ugu dhibaatoobin.
 
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia