4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
TV-ga Universal oo loo ogolaaday in uu dib uga howl-bilaabo Puntland

https://www.hiiraan.com/images/2017/Apr/

Sawir:Gudoomiyaha ururka MAP Faysal Khaliif Barre.


Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Maamulka Puntland ayaa maanta TV-ga Universal u ogolaaday in uu dib uga howl-bilaabi karo gudaha Puntland ka dib dacwad socotay muddo 32 maalmood ah oo u dhaxeysay TV-ga iyo waliba wasaarad-da warfaafinta ee Puntland.

Qaadiga maxkamad-da gobolka Nugaal ayaa maamulka TV-ga Universal ku xukumay in uu bixiyo lacag magdhow ah oo gaaraysa $2000 oo dollar ,waxaana maxkmad-du ay goobta ku soo bandhigtay muuqaalo uu TV-gu baahiyay oo la sheegay in Puntland lagu aflagaadeeyay.

Wasaarad-da warfaafinta Puntland ayaa lagu xukumay in ay magdhow ka bixiso qarashaadkii ka baaqday TV-ga intii uu xayiraad-da saarnaa, iyada oo lagu war-galiyay shaqaalaha Tv-ga in ay dib uga howl- bilaabi karaan meel kasta oo kamid ah gobolka.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland Faysal Khaliif Barre oo la hadlay warbaahinta xukunka ka dib ayaa sheegay in si wanaagsan loo qaaday kiiskii u dhaxeeyay labada dhinac ee Puntland iyo Universal , waxaana uu dowlad-da uga mahad-celiyay habka loo maray kiiskan.

“Maadaama Universal TV qarashka lagu ganaaxay uu ka badan-yahay kharashaadka ka maqan ,waxaanu rajaynaynaa in aan ku qanci doono sida ay dacwad-du u dhacday “ ayuu yiri Faysal Khaliif Barre oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

Ugu danbayn,Qareen Saciid Axmed Faarax oo dacwad-dan u matalayay TV-ga Universal ayaa isna sheegay in si cadaalad ah uu kiiskan u dhacay ,waxaana u tilmaamay in wax danbi ah lagu waayay xafiiska Universal ee Puntland.  

Faysal M. Hassan
[email protected]