4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Maxkamadda Galmudug oo dil toogasho ku xukuntay Haweeney gowracday Gabar 7-jir ah

 

Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Haweeney dhawaan duleedka Magaalladda Cadaado ku gowracday Gabar 7-jir ah, ayaa maanta waxaa lagu xukumay dil toogasho.

Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarreysa Maamulka Galmudug Maxamed Keynaan, ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah.

Haweeneyda la xukumay ayaa la sheegay in ay qiratay in ay gowracday Gabadha 7-jirka ah.

Waa xukunkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Maxkamadda ugu sarreysa Maamulka Galmudug ay rido tan iyo markii maamulkaasi la dhisay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia