4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2017
Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo gaaray Beledweyne

Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) -Wafdi uu horkacayo madaxweyne ku -xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa safarka ku wehlinaya wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cali Guudlaawe ayaa ujeedada socdaalkiisa ku sheegay u kuurgalka xaalada gobolka, isla markaana nidaamka dowladda loo gaarsiin lahaa deegaanada gobolka.

Waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu tilmaamay in Maamulka Hirshabeelle uu ka qeyb qaadanayo arrimaha gurmadka abaaraha ku dhiftay deegaanada uu maamulka ka arrimiyo.

Wafdiga ayaa inta uu joogo magaalada Beledweyn waxaa uu kulamo la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Beledweyn.

Ugu danbeyntii, socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle uu ku tago magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, tan iyo markii xilka loo doortay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]