4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Shaqaale caafimaad oo lagu afduubtay gobolka Hiiraan


Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Deegaan qiyaastii 10 KM u jira magaalladda Baledweyne ee xaruunta gobolk Hiiraan, ayaa waxaa maanta lagu afduubtay shaqaale caafimaad.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa tira ahaan waxaa ay gaarayaan ilaa shan ruux, waxaana ay ka tirsanaayeen Ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe.

Dhaqaatiirta waxaa ay isugu jireen kuwo ka shaqeeya dhinaca xoolaha, waxaana la socday nin daroowal ah.

Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay in ay ka bixiyaan adeeg caafimaad.

Maamulka Gobolka wali kama hadlin afduubka.

03 bishaan April, Xarakadda Al Shabaab ayaa afduubtay gaari ay la socdeen Afar ka mid ah shaaqle ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Aduunka u qaabilsan QM ee WHO.

Afduubka waxaa laga geystay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale warka ayaa intaasi waxaa uu ku darayaa in gaarigan uu ka ambabaxay Degmada Luuq,  kuna wajahnaa Degaanka Maganeey oo qiyaas ahaan 15Km u jira Degmada Luuq.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia