4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Qarax goor dhaw ka dhacay naxaawiga xarunta wasaarada amniga ee magaalada Muqdisho

 

Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) – Qarax ilaa iyo hadda aan la qaxiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ayaa goor dhaw ka dhacay goob maqaaxi ah oo ka soo horjeeda xarunta wasaarada amniga gudaha ee magaalada Muqdisho.

Qarax oo siweyn looga maqlay nawaaxiga goobta uu ka dhacay ayaa la xaqiijin wali in uu ahaa mid is miidaamin iyo in loo adeegsaday gaari goobta la dhigay oo lagu soo raray walxaha qarxa, hasse ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxa.

Qaraxyadan oo kale ayaa waayadii ugu danbeeyayba ku badnaa magaalada Muqdisho kuwaa oo inta badan loo adeegsado gadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la dhigo goobaha dadku ku badan yihiin.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kaa soo baxay laamaha amniga oo ku saabsan qaraxa ka dhacay nawaaxiga wasaarada amniga gudaha.

Faah faahinta qaraxan iyo wararka ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]