4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Jaaliyadda Somaliyeed ee Atlanta iyo madax ka socotay Kosovo iyo Macedonia oo wada qaatay Aqoon-isweydaarsi looga hadlayay xag-jirnimada

Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Aqoon isweydaarsi looga hadlayay arrimaha Xag-jirnimada iyo sida looga wacyi galin karo bulshada oo ay wada qaateen  qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan Magaalada Atlanta iyo Madax ka kala socotay wadamada Kosovo iyo Macedonia oo ku yaallo Koonfur bari ee Qaarad-da Yurub, ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia. 

Masuuliyiin ay kala hoggaaminayeen Wasiirka arrimaha gudaha Kosovo iyo wasiirka Waxbarashada Macedonia,  oo ay ka mid ahaayeen Madaxda Magaalooyin waa weyn ee Dalalkaas, oo uu wehliyay Wakiil ka socday Wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka, ayaa la kulmay Madaxda Bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Atlanta iyo xubno kale oo bulshada u dhaq-dhaqaaqa.

Guddoomiyaha Soomalida Haysata dhalashada Maraykanka Eng. Cumar Shiiqeey, ayaa Hiiraan Online u sheegay in Madaxda ka socotay Wadamada Kosovo iyo Macedonia ay markii hore ka dalbadeen guddigooda in ay la kulmaan Bulshada Soomaaliyeed ku dhaqan gobolkaan.

Wasiiraddii Aqoon-isweydaarsiga ka qeyb galay, ayaa ujeedada kulanka ku sheegay iney aheyd talo bixin ku saabsan qaabkii ay oga hortagi lahaayeen Dhalinyaro badan oo Muslimiin ah oo ka taga Dalalkooda kadibna ku biira Kooxaha ka dagaalama wadamada Suuriya iyo Ciraaq.
Masuuliyiintaas qaarkood, ayaa sheegay iney dhibaatooyin xoogan kala kulmaan dhalinyaradaas marka ay dib oga soo noqdaan wadamadooda.

Madaxdaan kulanka la qaadatay Soomaalida ku dhaqan Atlanta, ayaa tilmaamay iney wadaan diyaarinta Daraasad ku saabsan ka hor-taga Xag-jirnimada, waxaana Aqoon-isweydaarsigaas lagu casuumay qaar ka mid ah Imaamyada Masaajidada Soomaalidu ay ku leeyihiin Magaalada Atlanta.

Sidoo kale kulanka, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Duqa degmada Clarkston; Ted Terry oo kulanku uu degmadiisa ka dhacay.

Ugu danbeyn, dalalka Kosovo iyo Macedonia oo ay ka kala socdeen masuuliyiintaan, ayaa waxey ka mid yihiin dhowr wadan oo la isku dhaho Balkans oo ku yaallo koonfur-bari qaarada Yurub.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]  
Atlanta, Georgia – Mareykanka