4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Madaxweynaha Koonfur Africa oo lagu cadaadinayo in uu is casilo


Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Midowga ururrada shaqaalaha ee dalka Koonfur Afrika ugu awoodda badan ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi in uu xilka iskaga tago.

Xoghayaha guud ee Cosatu, Bheki Ntshalintshali, ayaa sheegay in Madaxweyne Jocob Zuma uusan ahayn wixii iminka ka dambeeya qofkii ku haboonaa ee waddankaasi hogaamin lahaa.

Dadkii ka soo qeyb qaatay dagaalkii looga soo horjeeday midab takoorka ayaa sidoo kale ugu baaqay xisbiga haatan talada haya ee ANC in ay dib ugu yeeraan madaxweynaha.

Mr Zuma ayaa wajahaya cambaareyn xoog leh ka dib markii uu shaqada ka ceyriyay wasiirro tiro badan oo uu ka mid yahay wasiirkii maaliyadda Pravin Gordhan oo aad loo xushmeeyo.

Waxay tallaabadaasi horseedday in uu dhulka galo dhaqaalaha waddankaasi.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia