4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Diyaarad ka baxday Muqdisho oo lagu amray in ay ku degato Wajeer halkii ay toos u tagi laheeyd Nairobi

 
Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Diyaarad rakaab ah oo shalay ka baxday, magaalladda Muqdishu oo ku wajahneeyd magaalladda Nairobi, ayaa lagu armay in ay soo marto garoonka diyaaradaha ee magaalladda Wajeer, si halkaasi loogu soo baaro.

Sababta arintaan kaliftay wali lama shaacin, iyada oo ay jirto heshiis curdun ah oo dhawaan ay wada galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Qaar kamid ah rakaabkii saarnaa diyaarada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan garan karin ilaa iyo hadda sida ay arinta u dhacday.

“Waxaa nagula amray in diyaarada ay ku degano magaalladda Wajeer, markii hore ee aan ka bexeynay Muqdishu, waxaa naloo sheegay in ay si toos ah u tageyno Nairobi, ma garaneyno waxaa sababay arrintaasi”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaaradda oo warbaahinta la hadlay.

Sababta diyaarada ay ugu degtay Wajeer ayaa aheeyd in halkaasi lagu baaro. 

Sidoo kale, waxaa ay rakaabkii diyaaradaasi la socday ay sheegeen in ay ka codsanaayaan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, in arrintaan ay wax ka qabtaan haddii ay sii socoto.

Heshiiskii Kenya iyo Soomaaliya

Duulimaadkii u horreeyay ee toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah mudd 11 sano ah ayaa 29 bishii Maarso ee 2017 dib u billowday. Waxay ka dambeysay markii bishaas Maarso ay heshiis wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb gelay Munaasabada lagu daah-furay duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaradii u horeysay oo toos ah ay saaka ka dhooftay magaalada Muqdisho kana dagtay Nairobi iyadoo aan sii marin Wajeer.

Dowladda Kenya ayaa sanaddii 2006 soo rogtay in dhamaan diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee Wajir si baaritaan loogu sameeyo.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia