4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Gaari miineysan oo lagu dhuftay kolonyo ay la socdeen military-gga dalka Pakistaan


Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Gaari miineeysan ayaa lagu dhuftay kolonyo military oo marayay magaalladda Lahore ee dalka Pakistan, sida warbaahinta gudaha dalkaasi ay sheegeen.

Sarkaal Police ah ayaa wakaaladda Reuters u sheegay,  in ugu yaraan Afar ruux ay goobta ku geeryoodeen halka 18 kalana uu dhaawac soo gaaray.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Kooxda Taalibaan ayaa inta badan weerarada noocaan oo kala ah ka geysta dalalka Pakistaan iyo Afgaanistan.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia