4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo qeybinaayo mooshin ka dhan ah Saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in loo qeybiyo maanta mooshinka ka dhanka ah Saldhigga dowladda Imaaraadka ay damacsantahay in ay ka dhisato magaalladda Berbera.

Bishii lasoo dhaafay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa Pro Jawaari u gudbiyay Mooshinkan.

Maxey Xildhibaanadda ka yirahdeen saldhiga;-

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 25 sano ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia