4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Wasiirka amniga Puntland oo sheegay in meel kasta lagu toogto cidii dambi gasha ee diida in ay isa-soo dhiibto

Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab, ayaa sheegay in ay wadaan xaqiijinta amniga deegaanadda maamulka.

Puntland waxaa ay dhinaca kale ay soo saartay amaro lagu xaqiijinaayo amniga 

“Waxaa Guddiga Amniga Puntland ay isku raaceen in la toogto cidii la tuhmo ee diida in ay isku soo dhibto Ciidanka Puntland”, sidasi waxaa yiri wasiirka ammniga.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay, kullan uu la qaatay Guddiyada amniga Puntland. 

Dhinaca kale waxaa uu sheegay, in dalka ay ka jiraan abaaro baahsan, sidaasi darteetna loo baahanyahay in amaanka aad loo ilaaliyo.

Magaalladda Garoowe, waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay dilal gaadma ah iyadoona ay kusoo bateen Koox burcad ah oo dadka baaranaya.

Amniga Magaalladda Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa ah mid si deg deg ah loo xaqiijin lahaa.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia