4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2017
Maamulaha guud ee shirkada Dahab –Shiil oo ka hadlay gurmadka abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) – Maamulaha guud ee shirkada Xawaallada Dahab-Shiil C/rashiid M Saciid [Dahab Shiil] oo u waramayay Idaacada VOA ayaa ka warbixiyay gurmadka abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Gaar ahaan waxaa uu faah faahin ka bixiyay kulan uu dhawaan la qaatay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda Britain iyo Jaaliyada Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen sida uu sheegay arimaha la xiriira abaarta geeska Africa gaar ahaan dalka Soomaaliya.

‘’Waxyaabaha ugu badan oo aan ka wada hadlay dhamaan dadkii aan is aragnay dabcan waxaa ay aheyd arinta abaarta oo kaliya iyo sida looga qeyb qaadan karo u gurmadka  dadka ay abaartu saameysay, maxaa yeelay dad ayaa jira oo aan warkii oo dhan aan wada heyn, ayuu yiri maamulaha shirkada Dahab Siil.

Mar uu soo hadal qaaday kaalinta ay ka qaateen dhinacooda gurmadka abaaraha ayuu yiri’’ Waa jirtaa gacan aan arintan ka geysanay, qaar aan lacag ku bixinay iyo kuwa aan raashin u iibinay intaba, gaar ahaan gobollada ugu daran ee abaarta ay ku dhufatay, lacagta aan ku deeqnay waxaa ay gaareysaa ilaa $1.5 million oo doolar. Ayuu yiri C/rashiid Dahab- Shiil.

Waxaa uu sheegay in gaargaar ay u fidinayaa dadka abaarta saameysay ay u sii mariyaan dhamaanba xarumaha ay ku leeyihiin gobollada dalka Soomaaliya si loo hubsado ayuu yiri in gargaarka la gaarsiiyay dadkii u baahnaa.

Waxaa kaloo uu intaa ku darray in lacagaha loogu deeqayo dadka dhibaateysan ee la sii maryo shirkada u sameeyaan qiimo dhimis ama mar marka qaar si bilaash ah lacagaha ku xawilaan, taasoo laftirkeeda la oran karo waa qeyb ka mid ah kaalinta shirkada ay ka qaadaneyso gurmadka abaaraha.

Waxaa uu sheegay in gobollada hadda abaarta ugu sii darray ay ka mid yihiin gobollada Gedo, Baay Bakool iyo deegaanno badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartaha oo u baahan in gargaar deg deg ah lala gaaro.

‘’Waxaa fiican si abaarta looga hortago in loo diyaargaroobo biyo xireeno iyo daadadka la qabto oo loo sameeyo meelo togog ah oo ay biyuhu gallaan si marka danbe loogu baxsado ayuu yiri ‘’ maamulaha guud ee shirkada Dahab Shiil.

Ugu danbeyntii, C/rashiid Dahab Shiil ayaa ka hadlay saameynta ka bixintaan midowga Yurub ee dowladda Britain ayaa sheegay in arinta saameyn badan ku leedahay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa doonaya in ay dadkooda caawiyaan, madaama qiimaha lacagtii Ingariisku uu hoos u dhac ku yimid.

‘’Arintaasi saameyn weyn ayeey leedahay, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, waad aragtaa oo hadda lacagtii Ingariiska qiimo dhac ayaa ku yimid oo qofkii is lahaa dadkaaga caawi oo wax u dir, hadda sarif wanaagsan kuma helayo lacagta ayuu yiri C/rashiid M Saciid maamulaha shirkada Dahab Shiil.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]