4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2017
Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo maanta dhagaysatay dacwaddii loo haystay wariye Coldoon

 Talaado, April, 4 2017 (HOL)-Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa maanta dhagaysatay dacwaddii loo haystay wariye Cabdimaali Muuse Coldoon oo xeer ilaalinta gobolku ku eedeeyeen inuu ku kacay falal ka hor imanaya qaranimadda Somaliland.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay inuu wariye Coldoon uu taageero cad u muujiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,isla markaana olole muuqaalo laga duubay oo uu ku taageerayo madaxweynaha Soomaaliya la hor keenay maxkamadda horteedda.

Sidoo kale, Xeer ilaalintu waxay ku eedeysay wariyaha inuu ku dhowaaqay midnimada Soomaaliya iyo in uu aflagaadeeyay madaxda qaranka Somaliland. Waxa kale oo maxkamadda la hor keenay qoraallo uu soo dhigay bartiisa Facebook iyo muuqaallo ay sheegeen inay kala baxeen Computerkiisa iyo Mobilekiisa, kaddib markii la xidhay.

Haseyeeshee, wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa isagu iska difaacay eedaha loo soo jeediyey, waxaanu sheegay in aanay waxba ka jirin dhamaan eedahaasi.

Saacaddo badan ka dib waxa mar kale dib loogu dhigay maalinta Barri inay dacwadiisu halkaasi ka sii socoto, waxaanay maxkamaddu ahayd mid furan oo dadweynuhu ka soo qaybgalayeen.

Wariye Coldoon ayaa muddo ka badan konton maalmood u xidhan xukuumadda Somaliland, waxaana lagu eedeeyey inuu arrimo ka dhan ah qaranimada Somaliland ku talaabsaday.

Wariye Coldoon ayaa noqonaya wariyaha kaliya ee aanay xadhigiisa ka hadal ama u doodin xisbiyadda mucaaradka iyo ururadda saxaafadda, iyadoo sabab u tahay arrimaha lagu eedeynayo oo ah inuu ka hor yimid qaranimamadda Somaliland taas oo keentay in xisbiyadda mucaaradku ka gaabsadaan, ururadda saxaafada Somaliland hore u sheegeen in aanay u doodi doonin, maadaama oo arrimo siyaasadeed uu farogaliyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.