4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2017
Culumaa'udiin Soomaaliyeed oo hirgeliyay machad hab Online ah looga baran doono diinta Islaamka
Talaado, April, 04, 2017 (HOL) - Culumaa'udiin Soomaaliyeed oo isu xilqaamay in ay sare u qaadaan barashada Qur'aanka Kariimka iyo culuumta kale ee Diiniga ah ayaa hirgeliyay Madarasho hab Online ah wax looga barto, taa oo ay ka faa'iideysan karaan dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka.

Madarasadan ayaa lagu diyaariyay barnaamijyo waxbarasho oo ku saabsan Qur'aanka kariimka ah iyo culuumtiisa iyo weliba Luuqadda Carabiga, ayadoo ay wax ka dhigayaan macallimiin aqoon iyo khibrad u leh shareecada islaamka.

Culuumta laga heli karo machadka habka Online-ka ah wax looga baran doono waxaa kamid ah; Qur'aanka Kariimka oo Tajwiid lagu baranayo, Axaadiis, Caqiido, Fiqi, Tafsiir iyo Luuqadda Carabiga.

Maamulka madarasadan sida Onlineka ah wax looga barto ayaa ugu baaqay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka faa'iideystaan iyaga iyo carruurtoodaba.

Cidii dooneeyso machadka waxa ay ka heli kartaa, Skype [Somali.islamic.academy] ama Lambarka +252633427239 kaa oo ay ka wici karaan ama Emailka [email protected].

Hiiraan Online, News Desk