4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2017
Mareykanka oo joojiyay dhaqaale uu siinayay QM

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) –Warbaahinta dalka Mareykanka, ayaa si weyn u qoray, in Dowlada Maraykanka ay kala laabatay lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jirtay laanta dadwaynaha ee Qaramada Midoabay islamarkana taageerada siin jirtay barnamijka qorshaha qoyska guud ahaan caalamka .

Tilaabadan ayaa hay'adani qaramada midoobey waxa ay ku luminaysaa sanadkan oo kaliya lacag dhan 32 milyan oo doolarka maraykanka ah .

Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in sababta ay lacagta ugala laabateen ay tahay in hay'adani ay taageerto qorshaha dowlada Shiinaha ee ay dadka ku qasbto in caruurta ay iska soo xaaqaan .

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia