4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2017
Kulankii Todobaad ee Maal-gashiga Caalimiga oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Dubai iyo Soomaaliya oo ka maqan

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) - Kulankan todobaad ee maal-gashiga caalamiga ahna kan ugu weyn adduunka ayaa maalintii sadexaad ka soconaya magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana ka soo qayb-galay ilaa iyo 55 dal iyo in ka badan shan kun (5000) oo hay’ado ganacsi oo diyaar u ah in ay maal-gashtaan fursadaha  ka jira  ee suuqyada soo baxaya oo ay Soomaaliya ay ka mid tahay.

Ujeedada kulkan maal-gashi oo sannadkiiba mar la qabto ayaa ah in ay si fool-ka-fool ah isu arkaan ganacsatada maal-gashiga iyo dalalka u baahan in dalalkooda la maal-gashto, Waxaana halkaas ka abuurma xiriir toos ah (Networking).

Shirkaan uu furay ra'iisal wasaaraha dalka isku taga Imaaraadka ahna xaakimka xukuumadda Dubai ayaa waxaa diiradda lagu saaray maal-gashiga tooska ah ee dalalka dibadda (Foreign Direct Investment) ayada oo si gaar ah loo tix-galinayo ganacsiga dhaqaaluhuudu soo kubcayo.

Waxaa kulankaan ka soo qayb-galay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya, Uganda, Rwanda, Mali iyo dalal kale oo Afrikaan ah oo soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalalkooda ka jira.

Dalka Soomaaliya oo si weyn ugu baahan maal-gasho gaar ahaan wax-soo saarka beeraha, kheyraadka badda, horumarinta xoolaha iyo quwadda tamarta korotanda ayaan soo xaadirin, waana kulankii todobaad ee maal-gashiga tooska oo aysan Soomaaliya ka soo qayb-galin halka dalka Afghanistan oo ay dagaalo sokeeye daashadeen ay ka soo qayb-galeen kuna qorteen erayo at ka mid ahaayeen “Kaalay oo maal-gasho Afhanistan”.

HOL ayaa waxay shirkaan maal-gashiga  kula kulantay Abubakar Mubaarak oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo uga warbixiyey ujeeda uu shirkaan uga soo qayb-galay. “Kulankaan wuxuu muhiim u yahay horumarka ganacsigeyga, anniga oo fursad u helaya inaan la kulmo hay’ado caalami ah iyo ganacsato diyaar u ah in ay maal-gashtaan fursadaha ka jira ganacsigeyga iyo kan Jira dalka Soomaaliya” ayuu yiri ganacsade Abuubakar.

Dowladda Dubai ayaa halkaas waxay ku soo bandhigtay wax-qabka hay’adaha kala duwan ee dowladda Dubai, waxaana xusid mudan waxyaabihii ay soo bandhigeen booliska Dubai in uu ka mid ahaa gaariga orodka dheer ee Lamborghin oo ay isticmaalaan qaybta dal-xiiska ee booliska dowladda Dubai.

ugu danbeyntii, waxaa kaloo halkaa lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee ka jira dhismaha guryaha ee Dubai ayaga oo u sii gogol-xaarayo carwada weyn ee DUBAI EXPO 2020 ee la filayo in uu dhaco  sannadka 2020. Qaar ka mid hay'adaha guryaha dhisa ayaa HOL u sheegay in ay jiraan fursado qaali ah oo lagu maal-gashanayo guryo cusub ee laga dhisayo magaalada Dubai gaar ahaan xaafadda DUBAILAND oo lacagtana lagu bixindoono muddo 3-4 sanno gudahood. Waxaa sidoo kale halkaas aan kula kulanay sharikado xiiseynaya in dhismo guryo ka bilaabaan dalka Soomaaliya.