4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2017
Booliska magaalladda Dubai oo xiray nin jabsaday Email-ka Aqalka cad ee Mareykanka

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) –Ciidanka Police-ka magaalladda Dubai, ayaa xiray mid ka mid ah burcad African ah oo jabsaday qaar ka mid ah Email-ladda shaqaale ka tirsan Aqalka cad ee dalka Mareykanka.

Dr Major Saud Al Khaledi, oo ah madaxa xogta iyo hormarka hey’adda Cyber Crimes Department ee Police-ka magaalladda Dubai, ayaa sheegay in ninka la qabtay da’diisa ay u dhexeeyso 24 to 26, waxaana Bank-giisa laga helay Dh5 million.

Colonel Dr Rashid Mohammed Borshid, oo ah madaxda CIA, ayaa sheegay in ay qalab casri ah u adeegsadeen ninka ay qabteen, waxaana uu uga digay shacabka dalkaasi in ay xog la wadaagaan dadka noocaasi oo kale ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia