4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2017
Weerar Chemical ah oo lagu dily 35 qof dalka Suuriya

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) – Ugu yaraan 35 ruux, oo ay ku jiraan sagaal carrur ah ayaa ku geeryooday weerar diyaaradeed oo lagu qaaday magaalladda Khan Sheikhun oo ay macaaradka Suuriya maamulaan.

Gantaalada lagu garaacay magaalladda, ayaa ahaa kuwa “toxic gas”, sida kooxda Monitor ay sheegtay.

Madaxda military –gga Suriya, wali kama hadlin eedeynta loo jeediyay.

Mucaaradka Suriya, ayaa sheegay in diyaaradaha Ruush-ka ay ahaayeen kuwa duqeeya magaalladda Khan Sheikhun.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia