4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2017
Faafaahin: Koox hubeysan oo magaalada Muqdishu ku dhaawacay saddex sarkaal

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) –Koox hubeysan oo watay gaari nooca raaxada, ayaa saaka waxaa ay weerar ku qaadeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya, oo u socday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Weerarka waxaa uu ka dhacay, xaafadda Ceelka Tusbaxle ee Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Ilaa saddex sarkaal ayaa dhaawac uu ka soo gaaray weerarka.

Ma jirto cid sheegatay masuliyada weerarka.

Ciidanka dowladda ayaa wada howlgallo.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco:

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia