4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2017
Guddiga doorashooyinka Galmudug oo magacaabay laba guddi

 
Talaado, April, 04, 2017 (HOL) – Laba Guddi oo lagu kala magcaabo Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Maaliyadda iyo Araaja qabashada, ayaa laga dhex magacaabay Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

13-ka xubnood ee ah guddiga doorashooyinka Galmudug, ayaa xalay kullan ay ku yeesheen magaalladda Cadaado kaga dhawaaqay, labada guddi.

10 bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashadda madaxweynaha ee maamulka.

Doorashada sanadkan, waxaa ay u muuqataa in meelo badan ay kaga egtahay doorashii sanadkan ka dhacay Muqdishu, taas oo aad ugu dhoweeyd dhinaca Dimuqraadiyadda.

26, bishii February, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay.

Halkaan ka aqriso jadwalka doorashada:

 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia