4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2017
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo khamiista la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) – Ambassador Stephen M. Schwartz, ayaa maalinta khamiista ee Todobaadkan lagu wadaa in uu dib ugu noqdo dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyadda Soomaalida iyo kuwo Somali Bantu ee ku nool magaallooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Kullanka jaaliyadda iyo safiirka ayaa waxaa u ka dhici doonaa, Lewiston Public Library, 10 a.m, waxaana kullanka u jeedkiisa uu yahay is-dhex-galka Jaaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka.

Ambassador Stephen M. Schwartz, ayaa dhawaan booqday Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Portland, Oregon, and Columbus, Ohio.

Soomaalida hadda ku nool Lewiston, ayaa bilaabay in ay halkaasi tagaan sanadkii 2001.

M. Schwartz, ayaa ah safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka ay u soo diraan Soomaaliya, dhowr iyo labaatan sano kadib.


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia