4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2017
Kenya oo sheegtay in ay ka foojigan tahay weeraro uga yimaada Al-shabaab

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) – Saraakiisha dowladda Kenya sheegtay in ay ka feejigan yihii weeraro qorsheysan oo Al Shabaab ay ka geystaan magaalooyinka Mombaza, Nairobi iyo sidoo kale Saldhigyada ay ku leedahay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa tilmaamtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , islamarkaana ciidamada ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo sidoo kale xadka ay wadagaan labada dal.

Kenya waxaa ay xustay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorshanayaan weeraro ay ka geystaan dalka Kenya , gaar ahaan magaalooyinka Gaarissa iyo Mandera ee gobolka Waqoo Bari ee dalka Kenya.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto feejignaan dheeri ah , islamarkaana ciidamada ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ka ilaaliyaan in ay ka soo gudbaan xadka wadaagaan labadal.

Ugu danbeyntii, Al-Shabaab ayaa horay u sheegay inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya, ilaa ciidamada Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]