4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2017
Dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo wada hadalo ka leh shirka London


Axad, April, 30, 2017 (HOL) – Waxaa soconaya wada hadallo iyo kulamo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka kaa oo looga arinsanayo shirka 11 bisha May la filayo in uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain.

Kulankii ugu danbeeyay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-gallay xubno ka socda dowladda federaalka iyo wakiilada beesha caalamka sida, wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya, danjiraha midowga Africa, wakiilo ka kala socday wadamada daneeya arimaha Soomaaliya oo ka mid tahay Britain oo shirkan martigalin doonta.

Arrimaha ay ugu waaweyn ee DF Soomaaliya iyo beesha caalamka ay wadahadlayaan si go'aan mideysan looga gaaro  ka hor shirka London ayaa waxaa ka mid ah Qorshaha Amniga, Ddib u habeynta dhaqaalaha iyo Kaalmada abaaraha, waxaa kaloo ku jira arrimaha siyaasadda ugu muhiimsan sida dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

‘’ Shirkan waxaa uu muhiim u yahay sidii beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ula tagi lahaayeen qorshe mideysan shirka London’’ ayuu yiri Michael Keating.

Marka aad eegto kulamada soconaya oo ah kuwo wajiyo badan laakiin dhamaantood ku saleysan shirka London iyo ajandaha iyo tahay in lala tago, ayaa waxaa ay  muujinayaan in doorka beesha caalamka ee shirkan yahay mid aad u weyn.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa la filayaa in wada jir u guddoomiyaan shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]