4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2017
Ciidamada Amniga Puntland oo Deked-da Bosaaso ku Qabtay Hub laga keenay Yemen

 

Axad, April, 30, 2017 (HOL) –Ciidamada ilaalada dekedda magaalada Bosaaso ayaa qabtay hub la doonayay in si sharci darro ah lagu soo galiyo magaalada ,iyada oo hubkan lagu soo dhex-qariyay dooni ka timid dalka Yemen.

Hubkan oo la sheegay in uu watay nin ganacsade ah ayaa lagu soo dhex-qariyay baakado timir ah oo la doonayay in loo iib-geeyo magaalada Bosaaso, waxaana saraakiil ka tirsan deked-da ay ka gaabsadeen in ay shaaciyaan magaca ganacsadaha hubkan la soo dagay.

Waxaa hubkan uu isugu jiray 16 baaskooladood oo isugu jiray biljimta iyo dhabanacasta iyo rasaas tiro badan ,waxaana la sheegay in hubkan lagu wareejiyay laanta danbi barista ee wasaarad-da amniga.

Saraakiil ka tirsan dekadda oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in hubka loo soo qaaday  hab ganacsi ,xilli sanadihii la soo dhaafay ay magaalooyinka Puntland ka dhacayeen dilal qorshaysan oo ka dhan ah shakhsiyaadka ka tirsan dowladda.

Ugu danbayn,ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan hubkan la qabtay ,waxaana la sheegay in hub badan oo ka yimaada dalka Yemen inta  badan si qarsoodi ah looga soo dajiyo dekado macmal ah oo ku yaala gobolka.  

Hiiraan Online News Desk